MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa eedeyntii ugu weyneyd abid u jeediyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe tan iyo intii uu xilka qabtay taasoo muujineysa heerka uu gaaray khilaaka u dhexeeya Dowlada iyo Axmed Madoobe.
Xamze wuxuu Axmed ku eedeeyay inuu rer Jubaland aduubtay walibana ay sanado badan u aduuban yihiin islamarkaana uusan wax horumar ah la rabin kaliyana uu rabo inuu xukunka iska heysto.
“Axmed Madoobe af-duub ayuu ku heysataa reer Jubaland mudo dheer”ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.
Eedeynta tan ugu cusleyd uu Ra’iisulwasaaraha u jeediyay Axmed Madoobe ayaa ahayd inuu isku dayay inuu rido xukuumada faderaalka Soomaaliya ee dan qaran taasoo uu Xamza madax ka yahay.
Mar uu ka hadlayay Dowlada iyo jubaland halka ay kala marayaan wuxuu sheegay in Dowladu shirkii Golaha wada-tashiga dulqaad badan sameysay islamarkaana dartiis maalmo badan ay dib u dhigeen , ugu dambeyna ay ka quusteen.
“Axmed Madoobe Balamo badan ayuu Dowlada uga baxay, waliba ani si gaar ah ayuu balan iiga baxay mana lagu aamini karo xilka Jubaland”ayuu mar kale yiri
Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay isbadalada dhanka siyaasada ee dalka ka dhacaya sida madaxweynayasha maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka siday isu badalaan iyo sida Axmed Madoobe rabo inuu kursiga isaga fadhiyo.
“waqti xaadirkaan ma jirto wax sharrci ama maandheyj ah oo Axmed Madoobe uu u heysto inuu xilka sii hayo ama uu doorasho ku qabto maxaa yeelay waqtiga mar hore ayuu ka dhacay , mana ogola xeerarka Puntland in laba jeer ka badan uu hal qo qabto xilka madaxweynaha Jubaland”ayuu mar kale yiri
Ra’iisulwasaaraha oo wajigiisa laga dareemi karay cara badan uu u qabo Axmed Madoobe ayaa hadaladaan ka jeediyay munaasabadii uu maanta xilka ugu kala wareejinayay Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga iyo Taliyaha cusub.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM