MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa maanta shaaca ka qaaday islamarkaana xaqiijiyay inuu tagayo Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo.
Ra’iisulwasaaraha ayaa warkaan ka sheegay munaasabadii maanta ay xilka ku kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaarada gaashaandhiga iyo wasiirka cusub.
Mr.Xabsa Cabdi Barre wuxuu sheegay in socdaalkiisa Laas-caanood aan cidna lagu xumeyneyn xili uu cadeeyay inuu safar shaqo ugu anbabaxayo Magaalaaasi.
Booqashada aan ku tagi doono Laas-caanood waa mid qorsheysan , waxayna ku iman doontaa xiligii loo madlay,waxaana ka wada shaqeynaya xafiiskeyda iyo Madaxda Maamulka SSC Khaatumo iyaga halagu war sugo” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
Sidoo kale wuxuu sheegay in safarkiisa iyo tagistiisa Laas-caanood uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka wada shaqeeneed ee Maamulka SSC Khaatumo iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
“maaha mid wax loogu dhimayo deegaan ama maamul Soomaaliyeed ,maaha mid lagu kala fogeynayo soomaalida bal waa mid la isugu soo dhaweynayo,Ilaah ha na gaarsiiyee qrshaha xiliga booqashada loogu talo galay waxaan ka sugeynaa hay’adaha howshaasi iska leh waxaanse cadeynayaa inaan booqano dadkeena SSC Khaatumo soo aragno soo salaano”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
Warka Ra’iisulwasaaraha ayaa kala cadeeyay hadal heyn badan oo ka dhalatay baraha bulshada taasoo la xiriirtay inuu u socdo iyo inuu baaqday iyo murano badan oo hareeyay sida xildhibaanada reer Waqooyiga ee ku jira Dowlada Somalia oo diidan iyo sidoo kale maamulada Somaliland,Puntland iyo Jubaland oo diidan sida baraha bulshada lagu faafiyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM