MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar ku dhaw dhaw madaxtooyada oo sheegaya in mar kale isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada inkastoo wasaarado yar ay yihiin .
Wararka ugu badan waxay tilmaamayaan in Wasaarada Gaashaandhiga iyo mida arimaha dibada uu isbadalku ka muuqan doono,inkastoo aysan cadeyn in labada wasiir la is weydaarin doono.
Wasiirka arimaha dibada Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha ay saaxiibo yihiin ayaa la hadal hayaa in loo wareejinayo wasiirka gaashaandhiga balse wasiirka Gaashaandhiga ayaa loo badinayaa in meelo kale loo wareejiyo ama uu bananka ku dhaco sida wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Barre.
Wararka waxay shaki gelinayaan qofka loo rabo wasaarada arimaha dibada iyadoo wararka qaar shegayaan inay macquul tahay in qof cusub loo dhiibo.
Warar kale ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad sugida loo dhiibi doono wasiirka gaashaandhiga halka wasiirka batroolka ee Taliyaha ku reerka ah hawada lagu cuni doono halka Mahad salaad loo dhiibi doono xilka taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
Wasiirka Gaashandhiga ninka hada haya ayaa isna la hadal hayaa inuu qabto wasaarada Batroolka oo ah wasarad muhiim ah.
Labada maalin ee soo socota beri oo arbaco ah ama khamiita ayaa lagu wadaa in midood isku shaandheyntaani dhacdo iyadoo inta ka so keysa ay wadatashiyo sii socon doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM