HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamsa oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada

Ra’iisulwasaare Xamsa oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa goor dhaw oo galabta ah isku shaandheyn kooban wuxuu ku sameeyay Golaha Wasiirada Somalia iyadoo laba wasiir xilalka laga badalay.

Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Wasiirkii  arimaha dibada ayaa xilka laga qaaday waxaana loo badalay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia.

Wasiirkii Gaashaandhiga Jabriil C/rashiid ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay Ra’iisulwasaare xigeen 2-aad inuu noqdo.

Ra’isiulwasaare xigeenkii 2-aad C/salaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay oo loo magacaabay wasiirka Arimaha dibada Somalia.

Ma jirto masuul kale oo isku shaandheyntaani ay saameyay, waxayna arintaani ku soo aadeya xili maalmihii ugu dambeysay la hadal hayay in Madaxweyne Xassan uusan ku qanacsaneyn ninka dhawaan loo dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga Jabriil kaasoo aan ku firfircooneyn shaqadaasi xili dalku dagaal ku jiro.

Guud ahaan isku shaandheyntaani waxaa loo sameeyay dalab iyo codsi ka yimid Madaxweyne Xassan oo uu u gudbiyay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa taasoo salka ku heysa in Wasaarada gaashaandhiga loo helo qof ku haboon, waxaana ugu dambeyn loo dhiibay Fiqi oo Madaxweynaha saaxiibadiisa ugu horeeya ka mid ah.

Dooqa ah in Wasiir Fiqi gaashaandhiga loo dhiibo maalmo ka hor ayaa la isla gartay laakiin waxaa wareer ka taagnaa cida wasaarada arimaha dibada ka bixi karta ee isaga lagu badei karo taasoo ilaa iyo galabta soo gaaray waxaana ugu dambeyn madaxda sare isla garteen in Ra’iisulwasaare xigeenka iyo Wasiirka gaashaandhiga la isku badalo madaama ay isku reerna ka soo jeedaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -