HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamsa oo booqday Magaalada Adhi-cadeye balan-qaadna u sameeyay+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamsa oo booqday Magaalada Adhi-cadeye balan-qaadna u sameeyay+SAWIRRO

May be an image of 7 peopleLaascaanood, Isniin, 14 Abriil 2025: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadhimo-Sharafeed lagu Maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhiha ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.
—DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, wedding and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, beard, smiling, dais and textMay be an image of 2 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -