MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii ay maanta gaareen Magaalada Laas-caanood wufuud badan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira kuwaasoo horu dhac u ah booqashada Ra’iisulqwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Ra’iisulwasaaraha uu beri subax ama duhuradii uu ku gaari doono Magaaladaasi.
Diyaarad qaas ah oo Ra’iisulwasaaruhu uu qaadan doono beri subax ayaa lagu wadaa inay beri caga-dhigato Laas-caanood halkaasoo si aad u weyn loogu diyaar garoobay soo dhaweyntiisa.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa beri lagu wadaa inay booqasho rasmi ah uga bilaabato Magaalada Laas-caanood isagoona kulamo la qaadan doona Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo C/qaadir Firdhiye.
Wararka ugu badan ee la isla dhex-marayo ayaa ah in Dowladu si rasmi ah u aqoonsan doono maamulka SSC Khaatumo inuu la mid yahay maamulada kale ee dalka ka jira,inkastoo aan la ogeyn shuruudo hore Dowladu ugu xirtay inay buuxiyeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM