MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa maanta mar uu hadal ka jeedinayay xuska maalinta ciidanka asluubta wuxuu weerar afka ah ku qaaday maamulka Jubaland.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in ciidamada Jubaland ee dhawaan Raaskanbooni ku weeraray ciidamada Dowlada Somalia aysan ilaa hada xoreyn Degmada Badhaadhe oo sanado badan ay haystaan Alshabaab.
Advertisement
“Shalay haday Alshabaab soo dhexmareen maanta waan hubaa ma dhexmari karaan kaliya waxaa u furan inay bada maraan”ayuu yiri Xamza
Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay inay Jubaland ku cadaatay ereygii abwaan guurr ee ahaa shaki kana taagna in laba Alshabaab wada shaqeeyaan .
Hadaba hadalkiisa oo dhameystiran halkaan ka daawo:-
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement