Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

Kulan doceedka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay uga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Advertisement

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen, iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurtagelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here