Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “dhismaha nidaam caddaaladdeed oo loo simanyahay, lehna daahfurnaan, helitaan, iyo isla xisaabtan.”
Istaraatiijiyaddu waxey salka ku heysaa mabda’a cadaaladda muwaadinka ay u adeegayso uu aasaas ka yahay, iyadoo u hiilineysa shacabka qaybihiisa nugul sida haweenka, carruurta, waxeyna si cad u qeexaysaa waddada loo marayo dhismaha hannaan cadaaladeed isku dhafan, la jaan-qaadaya nidaamka federaalka, kuna saleysan qiyamka, dhaqanka iyo diinta suuban, isla markaana tixgelinaya duruufaha iyo baahiyaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay waajahayaan.






Advertisement