Muqdisho, Isniin 2 Diseembar, 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho.

Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here