Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark haweeneyda lagu magacaabo Mette Frederiksen ayaa la soo sheegayaa in lagu weeraray wado ku  taal bartamaha Magaalada Copenhagen ee caasimada dalkaasi.

War ka soo baxay Xafiska Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay weerarkaasi inkastoo uusan wax dhibaato ah ka soo gaarin,xafiiska wuxuu xusay inay naxday Mette Frederiksen markii weerarku dhacay.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa qabtay xabsigana u taxaabay ninka weerarka ku soo qaaday Mette Frederiksen kaasoo la sheegay inuu ka soo horjeedo siyaasada dowlada Denmark.

Booliiska waxay tilmaameen inay baarayaan ninkaani iyo ujeedka uu lahaa madaama uu toos u soo abaaray Ra’iisulwasaaraha.

Masuul u hadashay Midowga Yurub ayaa durba ka hadlay weerarkaani waxayna sheegtay falkaasi uu ka soo horjeedo wax kasta uu aaminsan yahay midowga Yurub.

Masuulka oo ah Madaxa guddiga Yurub Ursula van der Leyen ayaa intaasi ku dartay  in weerarkaani yahay mid aad u fool xun oo ka soo horjeeda afkaaraha ay u dagaalamaan.

Weerarkaani ma ahayn mid hub loo adeegsaday kaliya wuxuu ahaa in ninka weerarka ahaa uu abaaray Ra’iisulwasaaraha islamarkaana riixay ay dhacday inkastoo dad goob joogayaal ah qaarkood xuseen inay dhulka gaarin laakiin uu aad u qadaanqadiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra'iisul Wasaare Mette Frederiksen

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here