ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka  Pakistan Imran Khan ayaa la soo sheegayaa in maanta isaga iyo xaaskiisa Bushra Bibi ay racfaan ka qaateen xukunkii xabsiga ahaa ee hore Dowladu ugu xukuntay.
Masuulkaani soo xukumi jirey dalka Pakistan ayaa loo heystaa musuq-maasuq inuu ku kacay mudadii uu xilka hayay.
Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistaan Imran Khan wuxuu xabsiga ku jirey tan iyo bishii Agoosto 2023 , wuxuu warbaahinta u sheegay in dacwada loo heysto aysan waxba ka jirin balse ujeedku yahay in lagu cadaadiyo siyaasad ahaan.
72 jirkaan Imran Khan ayaa bishaan lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah halka xaaskiisana lagu xukumay 7 sano,balse maanta oo isniin ah ayay labadooduba racfaan ka qaateen xukunkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMOpen photo
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here