Maxkamad ku taal Pakistan ayaa 14 sano oo xarig ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan, waxaana loo haystaa dacwado la xariira musuqmaasuq dhul ah, sida dacwad oogayaashu sheegeen.

Xarunka lagu riday Imran Khan ayaa dib u dhac u keeni kara wada-hadallo bilow ah oo u dhexeeyay xisbigiisa iyo dowladda, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalkan ku yaalla Koonfurta Aasiya.

Advertisement

Ra’iisul wasaare Imran oo gal-dacwadeedkiisa qaaday maxkamad la-dagaallanka musuqmaasuqa ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla magaalada Rawalpindi, halkaas oo Khan uu ku xirnaa tan iyo bishii Agoosto sanadkii 2023.

Dhanka kale Xaaskiisa Khan Bushra Bibi ayaa lagu xukumay 7 sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay dambi musuqmaasuq, waxaana loo taxaabay isla xabsiga uu seygeedu ku xiranyahay.

Imran khan oo 72 jir ah, horayna jilaa u ahaan jirey ayaa dalka Pakistan Ra’iisul Wasaare ka ahaa intii u dhexeysay sanadihii 2018-2022, waana aas-aasaha xisbiga Pakistan Tehreek-e-insaf.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here