Muqdisho, 22, Juun 2024:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhigay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.
May be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, people studying and headscarfMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 2 people, people studying and textMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 15 people and people studyingMay be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 2 people, people smiling and people studyingMay be an image of 8 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people and people studyingMay be an image of 4 people and textMay be an image of 11 people, suit and weddingMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here