Seoul, 05 June 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.
DHAMMAAD
May be an image of 2 people, dais and text that says "Sharing Hope, Sharing Future 202 20244.~6.5. 6.5."May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people and text that says "Mea 2024 한· 아프리카 정상회의 2024 KOREA KOREA-AFRICA AFRICA SUMMIT KOICA Sharing Hope, Sharing Future 20 1I ን"May be an image of 1 person and text that says "NATER"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here