Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka ka dhanka AS.
Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ay mar walba ay garab taagan yihiin ciidamada wada dagaalka ka dhanka ah AS.
“Waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Askar badan oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ku soo dhaawacmeen howlgallada ka socda dalka.