Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta laanta Socdaalka ka dhacday Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay xilalka kula wareegayeen Agaasimihii hore ee laanta Socdaalka iyo agaasimaha Cusub ee Xilkaas la Wareegay.
Xubno uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka iyo Xildhibaano ayaa ka Qeyb galay Xil Wareejintaas.
Agaasimaha hore Axmed Siciid Maxamed ayaa ku soo dhaweeyay goobta Agaasimaha Guud ee Cusub Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ah siyaasi ku soo dhex jiray Dowladnimada Soomaaliya 25 sano ee la soo dhaafay.
Wasiiradii ka soo Qeyb galay xafladaas waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Rayidka iyo Xildhibaano ka kala tirsan labadda Aqal ee Barlamaanka JFS.
Sidoo kale Wasiir Xildhibaan Agaasime Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay jookar siyaasadeed oo mar kasta la shaqeeya Dowladii Timaado, waxaana lagu xantaa in uu yahay Dowlad yaqaan ka soo laabtay Qurbaha gaar ahaan Dalka Uk, waxa uuna ahaa gacantii midi gee Raisal Wasaarihi hore Xasan Cali kheyre oo uu ku fadhiyay kursiga Xildhibaanimo ee hada uu wareejin doono.
Agaasime Dhuxulow ayaa sheegay in uu horay uga sii dhaqaajin Doono meesha hada ay taagan tahay laanta Socdaalka Soomaaliya, oo 10 sano ee la soo dhaafay horay u talaabsatay.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
Email.cabdixakiin441@hotmail.com
Tell+254–711830393