Muqdisho, Talaado, 20 Agoosto 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo xiray Madasha Magan, oo ah madal muhiim ah oo lagu falanqeynayo sida Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed isaga kaashan karaan maalgashiga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda iyo ganacsatada, si loo gaaro horumar waara oo looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Mudane Xamsa waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni iyo wada shaqeyn dhab ah oo u dhaxeysa ganacsatada iyo dowladda, taasoo gundhig u noqon karta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Madasha Magan ayaa ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi furan oo lagu wadaago fikradaha, laguna soo bandhigo qorshayaal maalgashi oo wax ku ool ah, si Soomaaliya ay u gaarto hadafkeeda ah in ay noqoto dal maalgashi u furan, isla markaana horumar dhaqaale oo waara ku tallaabsato.
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, people studying and daisMay be an image of 3 people and people playing basketballMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people, lighting, speaker, dais and textMay be an image of 3 people and people playing basketballMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here