HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidri

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidri

May be an image of 1 person and textMuqdisho, Sabti, 29 Maarso 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidri.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka – Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadkooda, iyaga oo ciribtiraya argagixisada Khawaarijta ee dhibaatada ku haysa dalkeenna.
“Guulaha ay ciidamadeennu ka soo hoyeen jiidaha dagaalka waa astaan muujinaysa dadaalka iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed ee ah in aysan mar dambe aqbali doonin cadow gumaada dadkooda oo hor istaaga horumarkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba Alle uga baryay nabad iyo baraare inay ku gaaraan ciiddan ciiddeeda kale .
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -