HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa oo maanta daah-furey Hirgelinta Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka ah+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo maanta daah-furey Hirgelinta Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka ah+SAWIRRO

May be an image of 1 person, dais and text that says "(d d"Muqdisho, Isniin, 21 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.
“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.
Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 7 people, suit and weddingMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and text that says "Cd DÉCALÉ AIPOOR H I ٥ C"May be an image of 2 people, people studying and text that says "ALÉ LÉ"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 7 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -