Muqdisho, Arbaco, 21 Agoosto 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay Laanta bixinta adeegga Baasaboorrada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda.
Dhamaad

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 6 people and suitMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people, tree and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 16 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 10 people, suit and weddingMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here