Laascaanood, Isniin, 14 Abriil 2025: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool.
Mashaariicda uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood oo isugu jira xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad kuwaas oo bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabeen.












