Muqdisho, 03, Luulyo 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people, dais and textNo photo description available.May be an image of 1 person and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 18 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here