HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa "Hay'adaha waa inay bixinta adeegyadooda ku xiraan aqoonsiga Qaranka"+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hay’adaha waa inay bixinta adeegyadooda ku xiraan aqoonsiga Qaranka”+SAWIRRO

Muqdisho, Isniin, 07 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, Xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo, isaga oo faray Hey’adaha heerarka kala duwan ee Dowladda JFS iyo Hey’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan Aqoonsiga Qaranka.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 1 person, newsroom and text that says "ነል."May be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 8 people, people studying, lighting, table and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 8 people, suit and table
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -