Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta ka qeyb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad Cabdisalam Cabdi Cali-Dhaay ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira.
Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
– DHAMMAAD –
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement