Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka waxaa wasaradda beeraha ku soo dhaweyay wasiirka wasaradda beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Mareeye isaga oo uu raysulwasaare saalax ku ku amaanay Wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda dedaalka ay muujiyeen gaar ahaan doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen Madashii Qorshaha Qaranka Dalka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Wasaaradda ay soo bandhigtay qorshayaal iyo waxqabad la taaban karo oo gacan ka geysan kara horumarinta beeraha iyo dhaqaalaha dalka.

ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo wax-soo saarka beeraha si loo yareeyo saboolnimada loona hubiyo in dalka uu isku filnaansho ka gaaro dhanka cuntada.

Intii booqashadu socotay, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kormeeray waaxyaha qaar Iyo waaxda badbaadada dhirta qeyb ka mid ah sheybaarka Wasaaradda halkaas oo uu warbixin kaga dhageestay Agaasimaha Waaxda Iyo qaar ka mid howlwadeenada sheybaarka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda ayaa qireen howsha baaxada leh oo sheybaarkaan uu dalka u haayo waxayna balan qaadeen sidii loo horumarin lahaa sheybaarka si adeegyo intaan ka badan loogu qabto.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka XFS ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda SoomaaliyeedMay be an image of 4 people, beard, suit and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 11 people, people studying, table and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 10 people, table and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, people studying and hospitalMay be an image of 4 people, water heater and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here