Muqdisho, Talaado 17 Agoosto 2024: –Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay shirka erey bixinta Af-Soomaaliga ee Tiknoolajiyadda.

Shirka oo looga hadlayo sidii uu afka Soomaaligu ula jaanqaadi lahaa isbeddelka tiknoolajiyadda, loona heli lahaa erey bixin ku habboon oo loo adeegsado, ayaa waxaa ka qeyb galaya aqoonyahanno iyo khubaro ku xeel-dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu xilligani u leeyahay dalka in la helo ereyo ku habboon isticmaalka teknoolajiyadda, si loo ilaaliyo af Soomaaliga, loogana maarmo adeegsiga ereyo laga soo minguuriyey afaf kale oo qalaad.
May be an image of 8 people and suitMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 people, people studying and daisMay be an image of 5 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here