Muqdisho, 20 January 2025: — Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa si qoto dheer ula socday hawlaha iyo adeegyada ay hay’adahan u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu kala hadlay madaxda hay’adaha sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, hufnaanta maamul, iyo dabagalka qorsheyaasha horumarineed.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xaqiijiyey in qorshayaasha iyo mashaariicda wasaaradahan iyo SoDMA ay waafaqsan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP), si loo gaaro yoolalka waaweyn ee horumarineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka wasaaradahan iyo hay’adda SoDMA ay ku bixiyaan adeegyadooda muhiimka ah. Waxa uu ku dhiirrigeliyey in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo hormariyo nolosha bulshada, loona xaqiijiyo in adeegyadu gaaraan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ballan qaaday in xukuumaddu sii wadi doonto taageerada dhammaan hay’adaha qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhammaan qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada, dhalinyarada, isboortiga, iyo maaraynta musiibooyinka.
— Dhammaad —
May be an image of 6 people
May be an image of 5 people, lighting, suit and newsroomMay be an image of 17 people, people studying and daisMay be an image of 6 people, people studying and newsroomMay be an image of 6 people, newsroom, dais and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people, newsroom and textMay be an image of 7 people, suit and newsroom
May be an image of 3 people, suit and newsroomMay be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 3 people, suit, dais and newsroomMay be an image of 5 people, suit, dais and newsroomMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here