Muqdisho, Sabti, 14 Diseembar 2024: — Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, ayaa u kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

Waxa uu warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimeyaasha, oo uga warramay sida ay u socdaan shaqooyinka kala duwan iyo hey’addaha madaxa bannaan ee wasaaradda hoos yimaada.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, ayaa bogaadiyey habsami u socodka adeegyada ay wasaaraddu bixiso iyo shaqooyinka baaxadda leh ee ka socda, wuxuunna kula dardaarmay in loo diyaar garoobo sidii loo hirgalin lahaa himillooyinka waaweyn ee la qorsheynayo in dalkeennu ku tallaabsado sanadka soo socda oo ay kamid tahay hirgalinta Qorshaha isbeddelka Qaranka.
– DHAMMAAD –
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 person, dais and newsroom May be an image of 1 person, newsroom and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here