Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeer Shaqo ku Tegay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Maalgashiga
Muqdisho, Isniin, 23 Diseembar 2024: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Maalgashiga si uu u gu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee wasaaraddu u hayso dalka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Maalgashiga, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo xubnaha kale ee hoggaanka wasaaradda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha horumarineed ee dalka, gaar ahaan kuwa ku salaysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dedaallada lagu xoojinayo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa mid mid u booqday waaxyaha muhiimka ah ee wasaaradda, kuwaas oo ka shaqeeya diyaarinta istaraatiijiyadaha horumarineed iyo kor u qaadista iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.
Waxa uu ammaan u jeediyey shaqaalaha wasaaradda oo si xirfad leh ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale





Advertisement