Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimaha iyo Agaasime ku-xigeenka Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Marwo Sahra Cabdi Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, halka Mudane Cabdallah Sahid Cabdi isagana loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Xarunta.
Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Guud Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa muddo 15 sano ah ka soo shaqeynaysay Hey’adaha Dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo khibrad u leh arrimaha horumarinta iyo gargaarka bini’aadamka, isla markaana ka soo shaqeysay in ka badal sagaal waddan oo ku kala yaalla dalalka Afrika iyo Aasiya.