Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladda si loo hagaajiyo shaqada wasaaradaha.
Magacyada la magacaabay waxaa ka mid ah:
Md. Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax – Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga
Md. Maxamed Cumar Nuur – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga
Md. Ibraahim Axmed Cismaan – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga
Md. Maxamed Saney Dalmar – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
Md. Faarax Cabdinuur Axmed – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
Marwo Sahra Cabdi Maxamed – Agaasimaha Guud ee Xarumta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara
Md. Cabdullaah Sahid Cabdi – Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara