
“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Raiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.
Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada.
– Dhammaad –























Advertisement