=XIGASHO BBC SOMALI=
Deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa magaciisu maalmahaan qaybta sare kaga jiray wararka warbaahinta gudaha, baraha bulshada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.
Sababtuna waa in dowladda Soomaaliya ay gaysay ciidamo fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyadoo dowladdu sheegtay in ujeedkeedu uu yahay in ciidamadaani ay kuwa ATMIS kala wareegaan amniga deegaannadaas.
Hase-yeeshee tallaabada ay dowladdu ugu daad-gureysay ciidamada Raaskambooni ayaa imaanaysa, xilli xiisadi ay kala dhaxeyso maamulka Jubaland, taasoo salka ku haysa arrimaha doorashada.
Haddaba Raaskambooni waa deegaan caynkee ah?
Deegaanka Raaskaambooni oo hoostaga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxa uu ku yaallaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna u dhowyahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka kenya.
Raaskambooni waxay 274 kiiloomitir kaga beegantahay dhanka Koonfureed magaalada Kismaayo, oo fadhi u ah maamulka Jubaland.
Waa meel kayn ah oo leh dhufeysyo dabiici ah – goobo la isku diyaarin karo, sababtoo ah wuxuu deegaanku soo maray gacmo kala duwan oo intooda badan u adeegsan jiray in ay isku aruursadaan isla markaana tababarro ku qaataan.
Maxkamadihii Soomaaliya ee xoogoodu abuurmay markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii waxey u ahayd mid ka mid ah meelaha ay tababarrada ku qaatan, ururkii magaca deegaanka watay ee Raaskmabooni oo uu hoggaamin jiray madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay sidoo kale ka mid ahayd meelihii saldhigga u ahaa.
Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaannay Xasan Turki ayaa sidoo kale Raskambooni u ahayd xaruun, kohor geeridiisii 2015-kii.
Shabaab ayaa iyaguna mar gacanta ku hayay, hadda oo ciidamo diyaaradu lagu waday la geeyana, waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaarahaan kuwa Kenya.
“Waa meel howd ah waa meel kooxuhu ay dagaalladu ka soo abaabulaan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.
Cabdifitaax Xasan Afrax oo ah siyaasi la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa isna BBC-da u sheegay: “muhiimadda juquraafi ee ay Raaskambooni leedahay waxay dhufeys dabiiciyeed u noqon kartaa dad raba in ay tababartaan oo waxyeello gaystaan,”.
Wuxuu intaa raaciyay in aysan muhiimad kale oo dhanka juquraafiga ah aysan laheyn.
Maxay dowladdu u dooratay in ay Raaskambooni ciidamo u daad-gureyso?
Inkastoo dowladdu sheegtay in sababta halkaa ay ciidamada u gaysay ay tahay sidii ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegi laheed ciidamada ATMIS, haddana qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in sababta ugu weyn ee hadda dowladdu u dooratay deegaankaan ay tahay in ay u aragtay deegaanka kaliya ee ciidamada dowladdu ka howgali karaan isla markaana is dhexgal dhanka bulshada ah ay ka sameyn karto.
“Iima muuqata in dowladdu qaab istiraatiji ah ay u dooratay, marka laga reebo xiriir ay la sameeyeen deegaanka oo ay noqotay meesha kaliya ee ay ka howlgali karaan ciidamada dowladdu, meelaha Jubaland ka taliso,” ayuu yiri Axmed Kaboole.
Wuxuu sidoo kale sheegay in laga yaabo in ciidamada deegaanka iyo kuwa federaalku ay si uun u wada xiriireen taasina ay si u fududeyn karto in ciidamadu ay halkaa tagaan.
Balse Cabdifataax Xasan Afrax ayaa qaba in sababta dowladdu u xulatay deegaankaan iyo deegaannada kale ee ku hareeraysan ay tahay, in ay ka sameeyaan (maamul kale) oo ay kula loolamaan maamulka Axmed Madoobe.
“Dowladda Soomaaliya muhiimadda deegaankaan maanta u leeyahay, waxaa waaye, siday ila tahay, waxay doonaysaa dowladda Soomaaliya meel ay sharciyad kale ka sameeyaan oo ay kula loolamaan maamulka Axmed Madoobe ee hadda Kismaayo ka jira,, ayuu yiri Cabdifataax Xasan Afrax.Laakin hadalkaan BBC-du ma xaqiijin karto mana jirto meel ay dowladdu ilaa iyo hadda ku sheegtay warkaas.
Wuxuu intaa raaciyay in dowladdu ay sidoo kale doonayso in ay Raaskambooni ku mashquuliso maamulka Jubaland, hase-yeeshee ay doonayso gobolka Gedo.
Ciidamada dowladdu ma sii haysan doonaan Raaskambooni?
Raaskambooni iyo deegaannada kale ee aaggaas ku yaalla waxaa jooga Al-Shabaab, waxaana, khuburada arrimaha amniga ay muujinayaan in khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, uu si fursad ugu noqon karo Shabaab oo ay dib ugu soo laaban karaan deegaannadii horey looga qabsaday.
“Marka uu dhaco khilaafkaan oo kale dowladduna dagaal kula jirta Shabaab, waxaa sii daciifi doona awoodda dowladda, waxaana kordhi doona awoodda Shabaab, ayuu yiri Cabdifataax Xasan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Arrintaas waxay fursad siin kartaa Shabaab, oo goobo aaney horey u joogin ayay qabsan karaan,”.
Axmed Kaboole ayaa aaminsan in ciidamadu ay deegaanka sii haysan karaan, balse caqabadda jirtaa ay tahay in haddii ATMIS, ka baxaaan halkaa khilaafkuna saameeyo ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Jubaland ay arrintaasi sababi karto, in Shabaab ay dib u qabsadaan deegaannadaas.
“Runahaantii marka la fiiriyo khilaafka siyaasadeed ee deegaanka hadda ku soo kordhay, marka la fiiriyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay iyagu isku jeestaan, meeshaas fursad weyn ayaa Shabaab uga muuqata,” ayuu yiri Kaboole oo ka faallooda amniga gobolka.
Si kastaba Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladdu ay gaysay Raaskambooni ay yihiin kuwa ciidanka Jubbaland looga mashquulinayo la dagaalanka al Shabaab.
=XIGASHO BBC SOMALI=