MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii maalmo ka hor meel fagaare ah ay xildhibaanada Hawiye ka raali geliyeen dhigooda Digil iyo Mirifle gafaf ka dhacay taasoo ka dhalatay taageero ay reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa maanta mar kale waxaa raali gelin hawada loo mariyay Beesha Digil iyo Mirifle.
Raali gelinta maanta waxay ka timid Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka beelaha Muddulood kuwaasoo beesha Digil iyo Mirifle ka raali geliyay xubno agaasimayaal ka ah Dowlada oo beeshaasi u gafay.
Agaasimayaal ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ku tilmaamay Beesha Digil iyo Mirifle inay yihiin shisheete kal-kaal.

Odayaasha dhaqanka Digil iyo  Mirifle iyo Siyaasiyiintooda ayaa ka carooday shirar jaraa’id oo is xig xigey kaasoo Muqdisho ka dhacay kuwaasoo dhaqan iyo siyaasiyiin kala ahaa balse dhamaantood waxay ka wada sinaayeen inay Beelaha Digil iyo Mirifle ku wada tilmaameen shisheeye Kal-kaal.

Madaama kuwa Muqdisho ku shirey ay Beelaha Hawiye ka soo wada jeedeen waxaa dareen uu geliyay beesha Digil iyo Mirifle ,waxayna muujiyeen sida ay u dhibsadeen ilaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo leh dano siyaasadeed uu soo dhaweysto ama aad u taageero joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu faafiyay askari reer Koonfur-Galbeed ah oo calanka Itoobiya iyo kan Maamulkooda garabka iskula dhejiyay xili uu qaadayayna hees uu ku taageerayo xabashida.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here