Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Asad Diyaano uu si qarsoodi ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho islamarkaana uu shir la leeyahay Madaxda Dowlada Somalia.

Asad Diyaano oo ah siyaasi ku hubeysan dhulka Punland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ayaa la hadal hayaa in qorshuhu yahay in xil laga siiyo Dowlada Somalia si Dowladu awood ugu yeelato Puntland oo khilaaf xooggani uu kala dhexeeyo.

Advertisement

Wararka ayaa tilmaamaya in qorshahaani macquul tahay in la dejiyo maalmaha soo socda taasoo carqalad halis ku noqon karta amaanka deegaanada Maamulka Puntland.

Warar kale ayaa sheegaya in qorshahaani uu ku jiro in Dowlada Xasan Sheekh Mushaar u qorto ciidamada Asad diyaano.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo raba in doorasho qof iyo cod uu dalka ka qabto marka uu dhamaado mudo xileedkiisa xili doorashooyinku ay ka dhacayaan kaliya laba laba magaalo oo ka mida 5-ta maamul Goboleed sidaas daraadeed ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u doonayaa inuu Puntland awood ku yeesho madaama ay isku dhacsan yihiin madaxweynaha Maamulkaasi Saciid C/laahi Dani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here