Muqdisho Agoosto,19,2024: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildhibaan Cusmaan Cali Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Advertisement

Intaasi xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sii amba ka qaaday ka doodista soo jeedinta (mooshin) xildhibaanadda ee ku saabsan wax iska weydiinta canshuuraha iyo cabashada ganacsatada kala duwan, waxaana xildhibaanadda ay ka doodeen habka canshuurta loo qaadayo oo ay dhowaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hanaanka loo maray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliya aysan diidaneyn in ay canshuur bixiyaan balse ay jirtay cabasho kale oo ay qabeen taasina ay dowladda xalisay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda arintan ku saabsan kulanka kan xiga la sii amba qaadi doono.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here