NEWS YORK (DAYNIILE.COM)-Qaramada Midoobe ayaa mar kale ka hadashay duqeymaha arxan darada ah ee Ciidamada Yuhuuda Israa’iil ka wadaan marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Qaramada Midoobay Xafiiskooda u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa daboolka ka qaaday in duqeymaha iyo xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.

Advertisement

Xafiiska ayaa warbixin uu shalay soo saaray wuxuu ku shaaciyay in baaritaan lagu sameeyay mararka qaar bil gudaheed ay ku dhintaan dad 200 ka badan.

Goobaha ugu badan ee duqeymaha lala beegsaday ayay QM ku sheegtay dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuullo, suuqyo iyo xerooyin qaxooti kuwaasoo gudaha Gaza wada ah.

Madaxa

Volker Türk oo ah masuulka ugu sareeya xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa sheegay in Isra’il ku fashilantay inay kala saarto shacabka iyo dagaalamayaasha Xamaas.

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha waa in la dhowraa nolosha  shacabka iyo kaabayaasha.

Qodobada QM u daliishatay in Israa’iil jebinta mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka waxaa ka mida in weerarada qaar in Yuhuudu u adeegsadeen bambooyin culeyskoodu u dhaxeeyay 113 kilograms iyo 907 kilograms.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyey ee duqeymaha ku socda Gaza

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here