NEW YORK (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa lagu shaaciyay inay Soomaaliya siineyso 5 Milyan Doolar si wax looga qabto baaraha ka jira meelo ka mida Gobolads Soomaaliya.
Ku-simaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ee QM Joyce Msuya ayaa saxaaada u sheegtay inay 5 milyan ka bixinayaan sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega si looga hor tago abaaraha Soomaaliya ka jira.
Abaaraha Soomaaliya laga sheegayo gaar ahaan miyiga ayaa ka dhashay dabeylihii El-nina ee bilo ka hor sababay fatahaadii uu sameeyay labada wabi ee Soomaaliya.
Wadiga ka socda Dowlada Somalia ee ka qeybgalaya shirka Baku ee dalka Asarbayjaan kaasoo looga hadlayo cimilada dunida iyo saameynta ka shasha ayaa shirka ka muujiyay halganka Dowladu kula jirto abaaraha iyo fatahaadaha.
Dhaqaalaha QM ay bixneyso ayaa lagu wadaa inay gaarto in ka badan 130,000 oo Soomaali ah kuwaasoo hada la daala dhacaya abaaraha ka jira dalka.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM