NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Hay’ada Qaramada Midoobe gaar ahaan qeybteeda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu eedeyay Ciidamada Dowlada Kenya inay aargoosi ku bilaabeen shacabkii bilihii June ilaa Agosto wada dibad-baxyada Dowlada looga soo horjeeday.

Warkaan oo talaadadii soo baxay ayaa lagu xusay in Saraakiisha Ciidamada Kenya ay shacabkaasi ku hayaan dil,afduub iyo jirdil intaba, waliba si gaar ah hogaamiyayaasha ama dadkii soo abaabulay dibad-baxyadaasi.

Advertisement

Hay’ada QM waxay tilmaameysaa in Dowladu xabsiyo sharcio daro ah ka sameysatay meelo duur ah islamarkaana ay dadka xiran u diideen ehaladooda inay is arkaan iyo qareenada u doodi lahaa.

Human Rights Watch waxay ku dhaliishay Hay’adaha amaanka Kenya inay iyagu ka danbeeyaan dilka,afduubka iyo jirdilka lagu hayo dadka loo arko inay ahaayeen abaabulayaashii dibad baxyada soo agaasimay.

Mid  ka mida hooyooyinka Kenya ayaa sheegtay in in wiilkeeda oo 25kii june ka qeybgalay banaan baxyada waliba mar ay shacabku xoog ku galeen xarunta baarlamaanka ay weyday dhowr maalin kadibna ay meydkiisa ka heshay meelaha meydadka la dhigo iyadoo madaxa jug laga gaarsiiyay uu u dhintay.

Banaan baxyadii bilihii June ilaa Agosto ayaa yimid kadib markii Dowladu soo  saartay xeerkii canshuur kordhinta inkastoo markii danbe Dowladu ka laabatay.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here