HomeWarkiiQISO CAJIIB AH: Geesinimadii Nuur Farey iyo dagaaladii adkaa uu soo galay

QISO CAJIIB AH: Geesinimadii Nuur Farey iyo dagaaladii adkaa uu soo galay

Taliyihii hore ee Ciidamada kumaandooska Danab .Jeeni-Qaar Sheekh Cumar ayaa qisdaaan qorey wuxuuna ka sheekeyna dagaaladii adkaa ee ay isla soo galeen Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 14-ka Oktobar Col Nuur Farey isagoo soo qaatay hal qiso oo aad u xanuun badan:

Qisada sidan ayuu u soo qorey:-

Allaah ha u naxariisto Walaalkay Col.Nur Farey Gabow runtii waxaa Taliska Ciidanka Xooga, Dalka Bulshada Soomaaliyeed, Qaranka Somaliyeed, iyo Aduunkaba Maca salaameyey nin Han iyo hiigsi lahaa kuna suntanaa soomaali nimo Geesinimo dulqaad iyo Karti kuna Hubaysnaa aqoon iyo dadnimo kana fog eex qabyaalad Cadaalad xumo iyo nin jeclaysi Balse uu Dbar ku hayey Cudurka 4.5 ee la haray qof kasta oo leh aqoon iyo karti marka lagu garab magacaabo mid aan waxba galin ee 4.5 ku xariiriyo waanna sababta uu allaah u naxariistee Nuur Farey Gabow u ahaa Taliye Guuto u ahaa ilaa uu ka dhintay, qaaar Kalena aanay fursad u helin.
Walaalkay Nuur farey allaah Qabriga ha u waasiciyo kitaabkiisana Midigta allaa ka siiyo waxaan ku xasuustaa geesinimadiisii hadaan wax yar ka soo qaado, waxaa la qabtay Danaane Jilib Marka Gandarshe Number 60 iyo Marka markii muddo lajoogey waxaa ay argagixisadu kusoo qaaday weereero aan kala joogsi lahayn miinooyin qaraxyo iyo duqaymo dhamaan Talisyadas aan kor kusoo xusay.
Col Nuur farey waxaa uu masuul aka ahaa Taliska Dhanaane waxaana weeraro ku qaaday argagixisada Alshabaab ayagoo aan habayn iyo maalin u kala soocin sidoo kale waxaa ay weerareen Ciidamada Uganda oo joogey number 60 si aanay ugu soo gurman waxayna miineeyeen waddda u dhaxaysa Muqdisho iyo Dhaane waxay kaloo weeraro ku qaadeen Talis yadii joogey ilaa jasiira ilaa dhanaane ayadoo laga baxay dhamaan Talis yadaas waxaa kaloo Ciidamadii galbeedku isugu gurteen Marka iyo Number 60 sidoo kale waxaa ay argagixisadu dishey labadii General ee Qaybta Xukumey General Cumar Dhere Kuxigeenkiisii waxaa kaloo ay argagixisadu jidka u gashay wax allaale wixii gurmad ah ee loo diray lagumana guulaysan in la gaaro.
Col. Nuur farey Gabow waxaa uu goor barqadii ah soo wacay General Odawaa Yusuf Raage oo ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta markaas waxaan ku joognaa xaafiiska 4 Sarkaal
General Odawaa Taliyaha Ciidanka Dhulka
General Qaafow Madaxa Hogaanka Xiriirka Dibadda
General Abdiwahab Taliyaha Hogaanka Military intelligence ( MI )
Taliyaha Gurmadka Deg Degaa
Qorshaha aan Meesha u imid ayaa ahaa in aan u gurmado Col. Nuur Farey Gabow sida habeynkii hore uu ii sheegay Taliyaha Ciidanka Lugtu.
Markii uu wax yar hadlayey Col Nuur Farey Gaabow ayuu codka dheereeyey Taliye Odawaa yusuf Raage waxaana uu yiri nuur ku celi wixii aad igu Tiri Nuur Farey ayaa yiri Taliye AL.Shabaab Xabad iiga adkaan mahayaane waxaan ka ka baqayaa in ay oon iiga adkaadaan Ciidanku ilaa xalay biyo ma Cabin oo kaliya ayaanna noogu daran booyadihii aad noo soo dirtayna waa kuwa jidka loo galay labadiiba na waa ta lagubey.
Halkaas markay marayso hadal waa dhamaaday waana la wada istaagey aniga waxaa la igu amray in aan labo saac kadib wadda dheer ee xeebta jasiira aan ugu tago Ciidan kale oo halkaas diyaar ku ahaa oo uu xukumo Col. Qoondhe oo igu sii sugayey goobtaas si aan isu raacno.
Horey ayaan u kolanyastay waxaanna kor kala wareegey Degmada Madiina Meeshii la ii Cayimayna waan tagey waxaanna ku yaaley Ceel biyood waxaan ku amray Ciidankaygii in qof kastaa Caagad biyo ah qaado waxaan si aan bal xataa afcab u gaarsiino intaa wax kale lagaarin Taliye Odawaa waxaa uu igu amray Casr gaaban in aan 200 oo askari la lugeeyo Caawanna aan u hoydo Dhaane markii aan soconey xagaa 2 saac oo kale ah ayaa waxaa nagu soo baxay Askari xeebta laash uga dagey oo lug ah Ciidankii ayaa soo qabtay waxaanna uu noo sheegay in uu fasax ahaa fasaxiisiina dhamaaday uunna laashley kaluumaysato ah soo raacay uu na ka tirsan yahay Guutada aan gurmadka u nahay Col Nuur ayaan wacay waxaanna uu ii sheegay in askarigu fasax ahaa caawanna laga sugayey xerada asagaa yaqaan Meesha la maree ha ini soo waddo anna waa soo baxay ayuu iigu jawaabey Col. Nuur Meelo ay gaal ayaa jira oo laga yaabo in ay idiin galaan hadaysan iiga hormarin anaa u galaya ayuu igu yiri Ok.
Taliye Odawaa ayaan u sheegay intii waxaanna uu igu yiri ha isku dhicina idinku aad u taxaddara Nuur waan la hadlay ok markii aan muddo soconey waxaan tagnay meel bacaad ah oo dabayl ka dhacayso oo aan waxba badan la iska maqlayn dayaxa ayaa meeldheer jooga badda ayaa aad u shanqaraysa ma maqlaysid xataa istaag hadii lagu dhoho ama uu qof inta wax arko ku tilmaamayo waxaan arkay Ciidankaygii oo halmar kala boodey amanadana furtay horey ayaan u soo orday waxaanna ku dhawaaqay xabad haridina hrey ayaan eegay mise labo layn ayaa markaas na arkay oo ayaguna kala boodey Toosh ayaan daaray oo aan ku hubinayo in ay Ciidankeenii yihiin iyo in kale balse nasiib wanaag waxay noqdeen Col. Nuur Farey iyo ilaaladisii.
Markaan isu nimid ayay Ciidankii dheheen biyo nasiiya Nuur waxaa uu Galiyey Fayl dheer waxaana u uku yiri 10 Askariba hal Caag ha cabeen si aysan biyuhu wax idiin yeelin maadaama oon badan jirey sidaas ayayna sameeyeen.
Waxaan sii wadanay safarkeenii waxaanna tagnay Xeradii Ciidanka ee dhanane markaan wax yar joogney ee aan waa jibaadkii kala qaadanay ayaa waxaa nagu bilowday hoobiye markaas ayuu igu yiri Saaxiibow anigu waa daalanahay waan seexanayaye werar ayay soo yihiin Caawa waa xagaaga wixii hawlgalin ah raadyaha iga qabo waa ino bari subax intii aan wada hadlaynayba waxaa bilaabatay xabad qaylo inuu buste huwadey oo meel banan ah oo xoogaa dhagax dhagax ah seexday ayuu igu yiri saxiib guul ayaan kuu rajaynayaa nimanka waa imaadeen.
Difaacii ayaan horey ugu soo orday waxaanna horey u galay in aan difaacayga adkaysto gurmadkii General odawaa ayaa isna safka nala soo qaatay oo ilaa inta uu nala hadlayey soo socdey oo aan u haystey in uu bari noo imaanayo,
Col, nuur Farey Gabow allaah ha u naxariisto waxaa jirey dhacdooyin kale oo aan ka xasuusto wakhti kale ayaan soo galinayaa.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -