JIDDAH (DAYNIILE.COM)-Xujey ka timid Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa maanta gaareen Dalka Boqortooyada Sacuudiga si ay u gutaan acmaasha xajka.
Xujeydaan oo diyaarad ka soo raacay Magaalada Hargeysa ayaa tiradooda lagu sheegay 126 ruux kuwaasoo noqonaya qeybtii ugu horeysay oo Hargeysa ka soo baxda sanadkaan.
Xujeyda reer Somaliland waxaa Madaarka Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin iyo shaqaale ay diyaarisay Dowladda Soomaaliya.
Basas waaweyn ayaa  looga qaaday Garoonka Magaalada  Jidah  si loo gaarsiiyo Hoteeladii loo diyaariyey.
Guud ahaan Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan soo xajineysa ayaa lagu sheegay 11,500 (11 kun iyo 500 Xaaji kuwaasoo ka kala bixi doono magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Hargeysa iyo Garowe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here