Laba qarax oo xooggan islamarkaana  sababay khasaare nafeed iyo kala carar ayaa xalay ka dhacay Dalka Brazil kaasoo aan la ogeyn cida ka dambeysa.

Qaraxyadaan oo sababay dhimashada hal ruux ayaa midkood wuxuu ka dhacay meel ku dhaw madaxtooyada iyo Maxkanada .

Advertisement

Warbaahinta ayaa tabineysa in guud ahaan garsoorayaashii ka howlgalayay Maxkamada laga daad gureeyay halkaasi kadib qaraxyada marka ay dheceen.

Booliiska Dalka Brazil oo cadeeyay in qaraxu ka dhacay caasimada Brazila ayaa tilmaamay in ninka ku dhintay qaraxa uu xirnaa aalada qaraxa.

Booliska waxay intaasi ku dareen ninkaasi walaxaha qarxa ku xirnaa uu ku dhintay barxada u dhaw goob lagu nasto nawaaxiga Madaxtooyada iyo aqalka Congareeska.

Si kastaba falkaan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya xili  shan maalin ka hor inta uusan magaalada Rio de Janeiro ka furmin shirweynaha dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee loo soo gaabiyo G20.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here