CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax shacab badan ku dhinteen inuu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Xaaji-Cali iyo Geel-gud oo hoos yimaada magaalada xeebeedka Caddalle.
Gaarigaan oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan Hoomeyda ayaa ka soo baxay deegaanka Buur-Dacaar wuxuuna ku socday Magaalada Muqisho balse qarax miino ayaa gaariga haleeshay.
Inta la ogyahay 5 ruux oo shacaba ayaa ku dhintay qaraxaasi halka tira kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ka mida laba gabdhood oo isla dhashay iyo cunug saqiiqa oo sanad 2 jir lagu qiyaasay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan qeyb ka yahay miinoyin alshabaab wadooyinka geliyeen si ay isaga difaacaan weerarada kaga imaanaya dhanka ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawisleyda.
Maamulka Hirshabelle oo war kooban ka soo saaray qaraxaan ayaa lagu wadaa inay faahfaahin buuxda bixiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM