HomeWarkiiQarax miino oo dhimasho sababay oo Madera lagula eegtay ciidamo Kenyaan ah

Qarax miino oo dhimasho sababay oo Madera lagula eegtay ciidamo Kenyaan ah

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Kolonyo gaaadiid ay wateen ciidamada Dalka kenya ayaa la soo sheegayaa in qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi bari-kenya.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa Fiidoow iyo Shiikh Baaloow ee Mandera ayaa sababay dhimashada ilaa 3 askari oo Kenyaan ah halka kuwo kalana ay dhaawacmeen,waxaana qaraxa ka dambeeyay kooxda Alshabaab sida ay sheegteen.

Sidoo kale qaraxa kadib kooxda Alshabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday kolenyada ciidamada Kenya waxaana dhexmartay is rasaaseyn xoggan oo ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.

Inkastoo warar madax banaan aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah hadana Dowlada Kenya si fiican uma sharaxin weerarkaani inkastoo ay qirteen inuu jiro iyo waliba khasaare ka soo gaaray ciidamadooda.

Kooxda Alshabaab dhankooda way ka hadleen waxayna sheegteen weerarkooda inay ku laayeen ciidamo kenyaan ah halka kuwo kalana ay dhaawaceen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -