MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmad Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqadi saaka u qarax dhimasho iyo dhaawacba gaystay ka dhacay nawaaxiga maqaayad dadku badan yihiin oo shaaha laga cabo iyo masaajid weyn caan ah oo lagu magacaabo Muumino Ceel-buur
Goobta qaraxa oo ahayd meel dadku ku badan yihiin waxaana la soo sheegayaa in qaraxu ahaa miino laga wada maqlay inta badan xaafadaha degmada Dayniile.
Warar madax banaan ayaa sheegaya inta la ogyahay in hal nin uu ku dhintay qaraxaasi iyo halka sedex kale oo haweeneey ay ku jirto ay ku dhaawacmeen kuwaasoo goobaha caafimaad loo qaaday.
Dhanka kale wali lama ogaan qaraxaasi cida ka dambeysa iyo ujeedka,sidoo kale ma jirto faah-faahin madax banaan ama masuul hadlay ilaa iminka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM