Qaar ka mida ilaalada Musharax Madaxweynaha Galmudug Dr. Maxamed Aden Kofi ayaa qarax lagula eegtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kaasoo geystay qasaare nafeed.
Qaraxa oo lala helay mid ka mida gaadiidka ay isticmaalaan ilaalada musharaxa ayaa sababay dhaawaca ku dhawaad10 ka mida istaafka masuulkaasi kuwaasoo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.
Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho xili ilaaladu ku sii socdeen soo dhaweynta masuulkaani oo mudooyinkaan danbe dalka ka maqnaa.
Ciidamada dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalada Muqdisho waliba Koofi kama hadlin dhacdadaani gaar ahaan in qaraxu ahaa mid iska caadi ah ama in inuu mid qorsheysan oo la rabay in isaga lahu dilo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM