UMPHANG (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Thailand ayaa sheegaya qarax caawa dalkaasi ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Inta ka ogyahay waxaa dhintay 3 ruux halka ay dhaawacyo soo gaareen 48 ruux kuwaasoo lix ka mida ay dhaawacyadoodu daran yihiin oo xaalad adag ay ku jiraan.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu tuuray xaflad ka dhaceysay barxadda Laanqayrta Cas ee Doi Loyfa, taas oo ku taalla degmada Umphang ee Dalkaasi Thailand halkaas oo ay dad badan ku caweynayeen caawa.
Goobta caawa mashaqadu ka dhacday ayaa h meel sanadkiiba mar lagu qabto xafladdaha nuucaan oo kale balse caawa kooxo ayaa walxaha qarxa ku weeraray taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac xili dalkani Thailand ka mid ah kuwa dunida ugu xasiloon dhanka kala danbeynta iyo amniga.
Booliiska ayaa qabtay laba nin oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin weerarkaani loo adeegsaday walxaha qarxa, wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay inaan wax cadeyn ah lagu heyn tuhmanayaasha la hayo sidaas daraadeedna aan wax dambi ah lagu soo oogin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM