No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Weerar qarax oo gaystay dhimasho badan ayaa saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan duleedkeedka wadada aada Afgooye.

Advertisement

Qaraxa  oo khasaaraha dhaliyay ayaa ka dhacay Degmada Garas-baaleey waxaana lala eegtay xarun ay daganaayeen ciidamada nabad sugida qaranka Somalia sida aan warka ku helnay.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku dhintay 6 askari oo ka tirsanaa hay’ada Nabad sugida qaranka kuwaasoo ka hor tagay gaariga is qarxinaayay oo taargadkiisu ahaa gudaha xerada ciidamada oo ay ka socotay felin ciidan.

Gaariga inuu gudaha xerada galo waxaa u diiday oo ka hor tagay lixda askari ee geesiyaasha ah kuwaasoo ku qasbay inuusan banaanka soo dhaafin ,waxayna naftooda u hureen si uusan gaarigaasi gudaha ugu galin oo uusan gaarin hadafkiisa.

Wiilasha waxay gaariga kaga hor tageen banaanka xerada taasoo keentay inuu iyaga isku qarxiyo markii ay rasaas kala hor tageen una diideen inuu gudbo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here