MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xaafada Cali-Geedi ee Degmada Kaaraan waxaa maanta ka dhacay qarax miino oo sababay dhimashada dad badan oo shacaba kuwaasoo aan waxba galabsan.
Goob maqaaxi ah oo xaafada Cali geedi ka tirsan ayaa la sheegay in qarax miino uu ka dhacay taasoo sababtay dhimasada ilaa 8 ruux walow sawirada aan helnay ay 5 yihiin.
Sidoo kale dhaawacyada oo intaasi ka badan ayaa badankood la gaarsiiyay isbitaal Kal-kaal qeybtiisa Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho,waxaa jira dad ka mida kuwa dhintay iyo kuwa dhaawaca oo wali ehaladooda la raadinayay markii goobaha caafimadka la geeyay kadib.
Qaraxaan lama yaqaan cida sida rasmiga ah uga dambeysa mana jirto wali wax war ah oo ay Alshabaab wali ku sheegteen weerarkaani dadka badan ee shacabkaa ay ku dhinteen.
Dhanka kale laamaha amaanka ee Dowlada ayaa buuxdhaafiyay goobta masiibadaani ka dhacday mana jirto wax faahfaahin ah oo ilaa hada dowladu ka bixisay qaraxaan iyo sida goobta ganacsi lagu geliyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM